Cristiano Ronaldo Oo Ka Warbixiyey Xaaladda Caafimaad Ee Hooyadii Oo Shalay Wadne Xanuun Kusoo Booday Loogula Cararay Cusbitaal

 

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay sida ay tahay xaaladda hooyadii oo shalay loola cararay cusbitaalka kaddib markii uu kusoo booday wadne xanuun ay sababeen xinjiro guntamay oo xidhay xiddidada dhiiggga siiya wadnaha iyo qaybo ka mid ah Madaxa.

Ronaldo ayaa shalay diyaarad khaas ah u qaatay jasiiradda Madeira ee waddanka Portugal, waxaanu si toos ah u tegay cusbitaalka Dr Nelio Mendonca Hospital oo hooyadii loo dhigay wadney-xanuunka, waxaanay wararku sheegayaan inay soo kabanayso oo miyirkeedu taam yahay.

Farriin uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ugaga mahad-celiyey taageereyaashiisa sida ay u garab istaageen hooyadii, laakiin waxa uu tilmaamay in dhakhaatiirtu ka dalbadeen inay ilaaliyaan xogaha khaaska ah xilliga soo kabashada.

Qoraalka kooban ee soo dhigay bartiisa, waxa uu Cristiano Ronaldo ku yidhi: “Waad ku mahadsan tihiin dhamaan farriimaha aad ku taageeraysaan hooyaday. Waqtigan way deggan tahay, waxaanay kusoo kabanaysaa cusbitaalka.

“Aniga iyo qoyskaygu waxa aanu u mahadcelinaynaa kooxda caafimaadka ee iyada daryeelada, waxaana si naxariis leh ay dhamaanteen inoo weydiisteen inaynu waqtigan ilaalino xogaha khaaska ah.”

Hooyada dhashay Ronaldo oo lagu magacaabo Dolores waxa sannadkii 2007 daaweeyey kansarka ku dhaca naasaha.

Kooxda kubadda cagta Sporting Lisbon ee uu Cristiano Ronaldo kasoo bilaabay ciyaaraha oo Dolores ay u tahay safiirka qaybta sama-falka, ayaa iyaguna farriin usoo diray Ronaldo iyo qoyskiisa.

“Kooxda Sporting Clube de Portugal waxay u rajaynaysaa Dolores Aveiro wanaag oo dhan iyo inay si degdeg ah usoo kabato.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka kooxda.