Haaland, Kane, Icardi Mise Jesus? – Weeraryahanka Ugu Fiican Ee La Shaqayn Kara Cristiano Ronaldo Oo Loo Tilmaamay Juventus

Kooxda kubadda cagta Talyaaniga ee Juventus ayaa ayaa loo sheegay inay iska deyso weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane oo lala xidhiidhinayo inay xagaaga u dhaqaaqi doonto, waxaana loo tilmaamay xiddig reer Brazil oo ah

Halyeyga Talyaaniga ee Luca Toni ayaa usoo jeediyey Juventus in aanay waxba isku daalinin afarta ciyaartoy ee Harry Kane, Erling Braut Haaland, Timo Werner iyo Mauro Icardi, sababtoo ah si fiican ulama shaqayn karaan xiddiga kooxda ee Cristiano Ronaldo, waxaanay tahay inay raadiso laacib kale oo ay hannaankooda ciyaareed isku fahmi karayaan, isla markaana ogolaan karaya inuu si dhow ula shaqeeyo.

Juventus oo xagaaga uu ka tegayo Gonzalo Higuain, waxa kaliya oo ay isku hallaynaysaa Ronaldo oo bartilmaameed u noqday ciyaartoyga kasoo horjeeda, Paulo Dibala oo xagga dambe kasoo badhi-taara iyo laacibiin aan magac weyn lahayn, weerar ahaanna aan si toos ah ugu lug lahayn, taasina waxay keenaysaa in xagaaga ay u dhaqaaqdo xiddig ku fiican dhalinta, xarfadda iyo la shaqaynta ciyaaryahannada kale.

Weeraryahanka Tottenham ee Kane ayaa la warinayaa in uu go’aan ku gaadhay inuu iskaga tago Spurs, waxaanu doonayaa inuu ku biiro naadi ku tartamaya Champions League iyo horyaallada oo siin karaysa fursad uu ugu tartamo xiddig adduun.

Manchester United ayaa damaceeda Kane mar horeba bandhigtay, laakiin Juventus ayaa iyaduna ku jirta naadiyada shiishku u saaran yahay.

Luca Toni oo la hadlay warbaahinta Tuttosport ayaa sheegay in kooxda waddankiisa ay u wanaagsan tahay inay u dhaqaaqdo xiddiga reer Brazil ee Gabriel Jesus oo da’ ahaan ka yar Kane farsamadiisuna sarrayso.

22 jirkan ayaan boos joogto ah ka haysanin Manchester City, waxaanu kaydka ugu jiraa Sergio Aguero, sidoo kalena kooxda reer England oo laga ganaaxay Champions League xili ciyaareedyada labada ah ee soo socda ayaa waxay Old Lady ku qancin karaysaa inuu iskaga tago Etihad oo uu qaato doorasho kale oo siinaysa boos joogto ah.

“Weeraryahannadan, afka hore ee reer Brazil ee Man City ayaa ku habboon inuu la ciyaaro Cristiano Ronaldo. CR7 maaha weeraryahan dhexe oo toos ah, laakiin waa qof dhaliya goolal badan.” Ayuu yidhi Toni.

Toni waxa kale oo uu sheegay in Kane uu yahay weeraryahanka runta ah ee ugu wanaagsan ciyaartoyda ay da’doodu ka hoosayso 30 jirka, laakiin aanu ku fiicnayn la shaqaynta laacibiinta kale ee cajiibka ah sida Cristiano Ronaldo.

“Anigu waxaan u arkayaa in Gabriel Jesus uu aad ugaga wanaagsan yahay. Wuu dhaliyaa, sidoo kalena wuxuu sameeyaa caawin, wuxuu meelo bannaan u furaa saaxiibbadii, wuu cadaadiyaa, kaliyana waa 22 jir” ayuu raaciyey halyeyga reer Talyaani.