Hordhac: Liverpool vs Atletico Madrid | Klopp vs Simeone – Dagaalka Caawa, Rajada Reds, Shaxa Macquulka Ah Iyo Wararkii U Dambeeyey

Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield caawa kusoo dhoweyn doonta Atletico Madrid oo ay ku ballansan yihiin lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League iyadoo ciyaartii horena ay kusoo kala baxeen 1-0 ay kooxda reer Spain kusoo guuleysatay.

Safarkii Reds ay bishii hore ku tagtay garoonka Estadio Wanda Metropolitano oo ay sagaal bilood ka hor kusoo qaadday Champions League, waxa kala soo laabatay niyad-jab iyo guul-darro iyadoo lagaga soo adkaaday 1-0, waxaana xaaladdeeda caawa tahay ‘qasab ku guuleyso’, iyadoo waliba iska ilaalinaysa in goolal laga dhaliyo si aanay rajadoodu u xumaamin.

Garoonka Anfield, waxay Liverpool uga baahan tahay taageero ka badan sidii hore, si ay uga gacan sarrayso naadiga dhibaatada badan ee Atletico Madrid oo ciyaar dhinac walba ka xidhan oo xiddigaha Reds madax-xanuun ku noqotay soo bandhigay lugtoodii hore.

Tababare Diego Simeone, waxa uu lugtii hore la yimid ciyaar ku dhisan difaac wada-jir, hore u socod kooxda oo dhan ah iyo inuu yareeyay meelihii ay ku ordi lahaayeen Salah, Mane, Firmino, Robertson iyo Arnod, waxaanu qorshihiisaasi hirgalay bilowgii hore markii uu kubbad diciif ah dhaliyey Saul Niguez.

Ma jirto koox u difaac wanaagsan, sida  Atletico Madrid qaaradda Yurub oo dhan, sababtoo ah 90-ka daqiiqadoodba waxay ku jiraan hannaan ay ku ilaashanayaan goolkooda, waxaanay ka mid yihiin kooxaha goolasha ugu yar laga dhaliyey, waxaanay tani caqabad ku tahay Jurgen Klopp oo u baahan inuu helo taatikadii uu ku jabin lahaa  difaacaas, iyadoo uu daliil ka dhiganayo wacdarihii uu sameeyey semi-finalkii Champions League ee xili ciyaareedkii hore oo uu Barcelona ku garaacay 4-0 iyadoo ciyaartii hore lagu soo garaacay 3-1, waana sababtan midda aanay  jamaahiirta Reds u walaacsanayn.

Trent Alexander-Arnold oo ahaa ciyaartoygii suurtogeliyey jabka Barcelona ee goolka koornaha ah sida mucjisada ah u siiyey Divock Origi oo aanay cidiba la joogin, si fududna u dhaliyey goolka ciyaarta iyo rajada Barca soo afjaray xili ciyaareedkii hore, waxa uu taam u yahay kulanka caawa isaga oo caafimaad-qaba, baasha kalena waxa taagan Andy Robertson oo soo nastay.

Kooxda horyaalka Premier League rajaynaysa inay laba ciyaarood kaddib ku guuleysato ee Liverpool, waxay kulamadeedii ugu dambeeyey ahaayeen kuwo aanay farxad badan helaynin, gaar ahaan waxa laga adkaaday saddex jeer muddo shan ciyaarood ah, laakiin waxa muddadan kala dhantaalay dhaawacyo jaray halbowleyaashii kubadda habi jiray ee khadka dhexe ka yeedhin jiray kubadda quruxda badan.

Ciyaartii Sabtidii, waxa dirqi ay kaga baxsadeen Bournemouth oo ku dhowaatay inay barbarrayso, waxaana halyey u noqday James Milner oo badbaadiyey kubbad goolka oo cidlo ah sii gelaysa, waxaase caawisay Manchester United oo Old Trafford ku karbaashtay naadiga kaalinta labaad ku jira ee Man City oo soo yareeyey kulamada looga baahan yahay Reds inay guuleysato si ay koobka ugu guuleysato.

29-kii ciyaarood ee horyaalka, 22 kulan oo xidhiidh ah oo ay soo badisay, waxa soo dhex-gashay Watford ka hor intii aanay Chelsea kasoo reebin FA Cup, waxaase dhibaatada oo dhan soo bilowday naadiga caawa ay ballansan yihiin ee Atletico oo guul-darradii ay ugu soo xambaariyeen Wanda Metropolitano ay hore uga soo kaban waayeen.

Waxyaabaha walaaca gelinaya Klopp waxa ugu horreeya difaaciisa oo shantii ciyaarood ee isku xigay dhamaan tartamada aanay ka bixin shabaqooda oo nadiif ah, waxaanay tahay inuu joojiyo in kulankan goolal ka dhashaan.

Marka la eego natiijooyinka lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Champions League ay ka keeneen labada kooxood, Liverpool waxay soo badisay afar kulan, mid laga badiyey iyo mid barbarro kusoo dhamaaday, Atletico na wax badan kama foga, waxaanay soo badiyeen afar kulan iyo laba laga badiyey.

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Atletico Madrid

Tartanka: Champions League, lugta labaad ee wareegga 16-ka

Waqtiga: 11:00 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield Stadium

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Liverpool waxa dib ugu soo laabtay kabtankeeda Jordan Henderson oo afar ciyaarood oo uu ka maqnaa ay u dhibaatoodeen kaddib markii uu ku dhaawacmay kulankii hore ee Atletico Madrid.

Tababare Klopp waxa uu filayaa inuu baasha bidix kusoo laabto Andrew Robertson oo waqti dambe laga saaray ciyaartii Bournemouth oo uu dhaawac fudud kusoo booday, hase yeeshee waxa aan joogin goolhaye Alisson Becker oo tababarka ku dhaawacmay, waxaana kusoo bilaaban doona Adrian.

Xherdan Shaqiri iyo Nathaniel Clyne ayaa Liverpool ka maqnaanaya, dhamaan ciyaartoyga kalena waa taam.

Sadio Mane iyo Mohamed Salah oo kulankii Bournemouth soo dhaliyey min hal gool ayaa  hoggaamin doona safka hore, iyadoo uu Salah samaystay  rikoodh wareer ah oo uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Liverpool ah ee saddex sannadood oo isku xiga dhaliya 20 gool iyo wax ka badan tan iyo markii uu Michael Owen sameeyey sidan oo kale sannadihii u dhexeeyey 2000 illaa 2003.

Dhinaca Atletico Madrid waxa usoo laabtay Thomas Lemar iyo Kieran Trippier, hase yeeshee Alvaro Morata ayaa shaki la gelinayaa, waxaase beddelkiisa u diyaarsan Diego Costa.

Joao Felix oo ciyaartii hore ku seegay dhaawac ayaa markan isku tijaabin doona haddii uu wax ka qaban karayo difaacyahannada Liverpool, sida Gomes iyo iyo Van Dijk, waxaase mar  kale waxyeellaynta Reds isku diyaarinaya Angel Correa oo ahaa laacibkii dhibaatada ku hayay lugtii hore.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Liverpool: Adrian; Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson; Henderson, Fabinho, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane

Atletico Madrid: Oblak; Trippier, Savic, Felipe, Renan Lodi; Saul Niguez, Partey, Koke, Joao Felix; Correa, Morata