Hordhac: PSG vs Borussia Dortmund – Xiisihii Kulanka Oo Coronavirus Hoos U Dhigay, Wararkii U Dambeeyey Iyo Shaxaha Macquulka Ah

Paris Saint-Germain oo lugtii hore lagaga soo adkaaday 2-1 ayaa garoonkeeda Parc des Prince oo aanay wax taageereyaal ahi joogin ku martigelinaysa Borussia Dortmund, lugta labaad ee wareegga 16-ka, waxaanay u baahan tahay inay la timaaddo guul weyn oo kaliya niyadda ciyaartoyga iyo taatikada tababareyaasha ku dhisan maadaama dhirigelintii jamaahiirta iyo qayladihii khalkhalka gelinaysay kooxda martida ah ay garoonka ka maqan tahay.

Gool madi ah oo uu dhaliyey Neymar, waxa ka daba yimid mishiinka goolasha ee Erling Braut Haaland oo laba gool oo qurux badan u saxeexay Dortmund, kuwaas oo siiyey faa’iidada iyo niyadda wanaagsan ee ay ciyaarta caawa la imanayaa.

Isniintii ayay PSG la kulantay niyad-jab markii lagu war geliyey in ciyaarteedan albaabada loo xidhay, waxa kale oo u sii raacay Kylian Mbappe oo shalay lagu war helay in xanuunka Coronavirus laga baadhtay inkasta oo laga waayey.

Tababare Thomas Tuchel waxa kooxdiisa u yaalla rikoodh xun oo sannadihii ugu dambeeyey ay ka diiwaanshanayeen Champions League, sida ciyaartii ay guusha weyn haystaan ee ay Barcelona ka daba timid ee lixda gool ay kaga dhalisay.

Saddex sannadood oo lugtii hore ee wareegga isreeb-reebka ee waqtigan oo kale laga soo adkaaday, PSG waxay awoodi kari wayday inay kasoo kabato oo ay guul hesho si ay usoo baxdo, waxaanay si xun u hadhay sannadihii 1995-kii oo AC Milan ay is-araggii hore badisay, kulankii dambena kooxda reer France ku fashilantay inay soo kabato. Barcelona ayaa sidaas oo kale ku samaysay 2015, halka Real Madrid ay uga sii dambaysay oo 2018 ay ka cidhib-tirtay tartanka.

Inkasta oo tartamada Yurub ay ku dhibaatoonayaan, haddana PSG waxay iska yeelatay tartamada maxalliga ah ee gudaha Faransiiska, waxaanay sannadihii ugu dambeeyey urursanaysay saddex koob xili ciyaareed kasta, balse Tuchel oo loo keenay inuu isbeddel dhinaca tartanka qaaradda ah ku keeno naadiga, ayaa u dhibaatoonaya sida kuwii ka horreeyey ee Unai Emery, Ancelotti iyo macallimiintii kale.

Dhinaca kale, Borussia Dortmund waxay kusoo guuleysatay ciyaar kasta oo ka dambaysay kulankii labadan kooxood, waxaanay 2-1 kaga soo adkaatay Borussia Monchengladbach Sabtidii, waxaanay afar dhibcood oo kali ah ka dambeeyaan Bayern Munich oo hoggaanka haysa.

Xaqiiqadu waxay tahay, BVB waxay kulanka caawa soo gelaysaa iyagoo si xidhiidh ah usoo guuleysanayay dhamaan shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee tartamada oo dhan, kuwaas oo saddex ka mid ah ay shabaqooda ilaashadeen oo aan wax goolal ah laga dhalinin.

Kooxda reer Germany waxay si xarrago leh ugu soo gudbaysay wareegyada isreeb-reebka ee Champions League afartii sannadood ee ugu dambeeyey ee ay lugtii hore guusha ka heshay, laakiin waxa rikoodhkooda dhinac kale oo xun u dhigaya in shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee ay marxaladdan oo kale marti noqdeen laga badiyey, waxaana ugu dambaysay guul ay kasoo helaan garoon kale February 2014 oo ay kooxda Ruushka ah ee Zenit St Petersburg 4-2 kusoo karbaasheen.

Lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Champions League, PSG waxay soo guuleysatay afar, waxa laga badiyey hal kulan, waxaanay barbarro gashay ciyaar kaliya, sidaas oo kalena Borussia Dortmund ayaa guuleysatay afar mar, labana laga soo badiyey.

Xogta Kulanka

 

Ciyaarta: PSG vs Borussia Dortmund

Tartanka: Champions League, lugta labaad ee wareegga 16-ka

Waqtiga: 11:00 PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Parc des Prince, Paris, France

Wararkii ugu dambeeyey

PSG oo uu ka baaqday kulankii Jimcihii ay la dheeli lahayd Strasbourg sabab la xidhiidha cabsida Coronavirus, waxay ciyaartan kusoo laabanaysaa iyadoo toddobaad dhamaystiran soo nasatay, laakiin waxa ganaax kaga maqan Marco Verratti iyo Thomas Meunier oo min laba kaadh oo digniin ah haysta.

Thiago Silva iyo Colin Dagba ayaa shaki ku jiraa inay dheei doonaan inkasta oo loo badinayo inay ciyaari doonaan maadaama jugaha ay qabaan aanay waaweynayn.

Weeraryahanka Kylian Mbappe ayaa cabsi geliyey taageereyaasha iyo macallinkiisa markii uu seegay tababarkii Isniintii, isla markaana laga baadhay xanuunka Coronavirus, hase yeeshee lama hubo inuu ciyaari doono caawa, waxaase taam ah Neymar, Angel di Maria, halka uu Tuchel rumaysan yahay in Mbappe uu kusoo bilaaban karo.

Kooxda reer Germany ee Borussia Dortmund, waxa ciyaartan ka maqan Marco Reus iyo THomas Delaney oo dhaawac ah, waxaana la filayaa in booskiisa uu xajisan doono Lucien Fabre oo bandhig fiican sameeyey kulankii Monchengladbech.

Eerling Haalan, Jadon Sancho, Witzel, Hakimi iyo Emre Can ayaa dhamaantood diyaar ah oo caawa isku deyi doona inay tartanka ka saaraan PSG.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Paris Saint-Germain: Navas; Kehrer, Silva, Kimpembe, Bernat; Gueye, Marquinhos, Paredes; Di Maria, Mbappe, Neymar

Borussia Dortmund: Burki; Piszczek, Hummels, Zagadou; Hakimi, Can, Witsel, Guerreiro; Sancho, Haaland, Hazard