QIIMAYN: Xiddigihii Fashilmay Ee Guul-darrada U Keenay Liverpool, Kuwii Wacdaraha Dhigay Iyo Qiimaynta Kulankii Chelsea Ku Karbaashtay Liverpool

Liverpool ayaa guul-darradii saddexaad usoo hoyatay xalay kaddib markii ay Chelsea ku garaacay 2-0, kulan bandhiggiisu liitay oo laacibiinta Klopp ay awood u yeelan waayeen inay kubbado halis ah ku tijaabiyaan goolhaye Kepa Arrizaballaga.

Gool uu dhaliyey Ross Barkley oo dhalasho ahaan kasoo jeeda magaalada Liverpool ee ay ka dhisan tahay kooxda Liverpool iyo mid kasii horreeyey oo gantaal ahaa oo uu laacibka reer Brazil ee Willian qasab ku marsiiyey goolhaye Adrian oo beddelay Alisson Becker ayaa Chelsea guusha siiyey.

Kooxda tababare Klopp waxay sidaas kaga hadhay tartanka FA Cup, halka ay Chelsea iyo macallinkoodu damaashaad ugu gudbeen wareegga 8-da ee tartankaas oo ay sugi doonaan kooxda ay ku beegi doonaan wareegga xiga marka la sameeyo isku-aadka.

Goolhayaha Chelsea, Kepa ayaa goolkiisa ka hor joogsaday isku-dayo ay sameeyeen Sadio Mane, Divock Origi iyo Curtis Jones.

Xiddigii garoonka:

Ross Barkley oo gool dhaliyey, aasaasina u ahaa bandhigga Chelsea oo uu si buuxda khadka dhexe uga dagaallamay illaa weerarkana gacan weyn ku lahaa ayaa noqday xiddigii garoonka ee sida fiican isku muujiyey.

Laacibkii ugu liitay

Takumi Minamino ayaa ku haftay garoonka dhexdiisa isagoo kusoo bilowday weerarka, gaar ahaan booskii Roberto Firmino, waxaanu helay qiimaynta ugu hoosaysa oo ahayd 5, laakiin waxa ay tirada qiimaynta isku mid ka ahaayeen ciyaaryahanno badan oo Liverpool ah inkasta oo isaga si gaar ah loogu calaamadiyey xiddigii fashilka noqday.

Qiimaynta oo dhamaystiran:

Chelsea: Kepa 7, Azpilicueta 6, Rudiger 6, Zouma 7, Alonso 6, Gilmour 8 , Kovacic 6, Barkley 9, Willian 7, Pedro 7, Giroud 6

Beddelka: Mount 6, Jorginho 6, James N/A

Liverpool: Adrian 5, Williams 5, Van Dijk 6, Gomez 6, Robertson 6, Fabinho 6, Lallana 6, Jones 6, Minamino 5, Mane 7, Origi 6.

Beddelka: Firmino 6, Milner 6, Salah N/A