Ronaldo Nazario: Mulkiilaha Muhanniga Ah Ee Ciyaartoygiisa Garoonka Dhexdiisa Abaal-marino Ku Siiyey

Mulkiilaha kooxda Real Valladolid, Ronaldo Nazario ayaa ka farxiyey ciyaartoyga kooxdiisa markii ay guul weyn kasoo hooyeen kulan ay kaga hor tageen naadiga Espanyo, kaas oo sare usoo qaaday rajadooda ah inay kusii negaadaan horyaalka LaLiga oo ay ka badbaadaan inay dib ugu noqdaan heerka labaad.

Halyeyga reer Brazil oo ah mulkiilaha Real Valladolid, waxa uu ciyaartoyga kooxdiisa garoonka dhexdiisa ku guddoonsiiyey hadiyado qaali ah oo uu kusoo jiitay quluubta ciyaartoygiisa xilli ay ku jireen damaashaad farxadeed, waxaana uu ciyaartoy kasta guddoonsiiyey mobile cusub oo ah noocii ugu dambeeyey iyo rigidho diyaaradeed oo bilaash ah.

Valladolid oo ku jirta kaalinta 15aad ee miiska kala sarraynta LaLiga, waxay 2-1 ku karbaasheen Espanyol 27-kii February ka hor intii aanay Real Sociedad 1-0 dirqi ah kaga badinin, laakiin labada ciyaarood ee soo aaddan ayay ka hor tegi doonaan Athletic Bilbao iyo Leganese, kuwaas oo ay uga baahan yihiin inay guulo ka keenaan si boos badqab ka ah heerka hoose ugu naaloodaan inta ka hadhay xili ciyaareedkan.

Sida uu qoray wargeyska La 8 de Valladolid, weeraryahankii hore ee Real Madrid, Inter Milan, Barcelona, Ajax iyo xulka qaranka Brazil ee Ronaldo ee haddana ah mulkiilaha Valladolid, waxa uu ciyaartoy kasta oo kooxdiisa u dheela gacanta ka saaray telefoon cusub oo iPhone ah iyo rigidho bilaash ah oo ay ku tegi karayaan halka ay doonaan, lacagtana uu isagu bixin doono.