Wixii Horeba Wax Kasii Daran: Kooxaha Premier League Oo Ka Baqaya In Xili Ciyaareedka Dambe Ay Garoomo Madhan Ku Ciyaaraan

Kulamada horyaalka Premier League ka hadhay waxa lagu ciyaari doonaa garoomo albaabadu u xidhan yihiin oo aanay taageereyaal joogin marka uu dib u bilaabmo dhamaadka bisha April, waxaanay kooxuhu sidaas ku lumin doonaan dakhli badan oo daawada gudaha garoonka ahaa.

Xanuunka Coronavirus oo dunida dhibaato weyn ku haya, isla markaana daqiiqad kasta dhawr qof ku dilaya caalamka ayaa waxa uu sababay in horraanta bishan March la joojiyo dhamaan ciyaaraha horyaallada dalalka Yurub iyo kuwii heer qaadeedba, waxaana lagu ballansanaa in 3 April dib loo bilaabo, hase yeeshee khatarta xanuunka oo sii badatay darteed, waxa dib loogu dhigay illaa dhamaadka bisha dambe, taas oo ka dhigan in laba bilood ay ciyaaruhu taagnaanayaan.

Bisha May ayaa kulamo badan oo xidhiidh ah oo garoomo madhan ah ay dhici doonaan, sidoo kalena June ayaa la filayaa in horyaallada qaarkood gaadhaan, halka isla bishaas aakhirkeedana la ciyaari doono finalada Champions League iyo Europa League.

Waxa kale oo dib loo dhigay tartamada UEFA 2020 iyo Copa America 2020 oo sannadka dambe la ciyaari doono, laakiin kalidood maaha, waxaase baaqday kulamo isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022 ah oo qaramada ay ciyaari lahaayeen toddobaadkan, kuwaas oo inkasta oo aanay FIFA go’aan rasmi ah kasoo saarin haddana aanay cidina dheeli doonin.

Sidaas oo ay tahay xaaladda waqtigani, kooxaha Ingiriiska ayaa walaac kasii badan khalkhalka xili ciyaareedkan ku yimid mid kasii badani haystaa, waxaanay ka walaacsan yihiin qaabka uu ku bilaabmi karo fasal ciyaareedka dambe oo sida qorshuhu yahay bisha August badhtamaheeda bilaabmi doona.

Kooxaha horyaalka Premier League waxay ka baqayaan in caabuqa Coronavirus laga adkaan kari waayo bilaha soo socda, isla markaana uu ula gudbi xili ciyaareedka dambe oo bilaha August iyo September ay garoomo madhan ku ciyaaraan sida hadda oo kale.

Sida uu qoray wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK, waxa jira qorshe ay kooxuhu haddaba tibaaxdiisa hayaan oo sheegaya in labada bilood ee ugu horreeya xili ciyaareedka dambe ay garoomo madhan ku dheeli doonaan haddii aafadan ay waqti hore dhamaan weydo, taas oo xattaa haddii bil ama laba bilood ka hor bilowga horyaalka la xakameeyo caabuqa, haddana masuuliyiinta waddanku ay kusii adkaysan doonaan inay sii jiraan tallaabooyinkii ka hor tagga si aanu mar kale u qarxin.

Si kastaba ha ahaatee, wararkan cusub ee kooxaha Ingiriiska soo waajahay, waxa uu noqon karaa mid aan dibedda usoo bixin oo dalalka Spain, Talyaaniga iyo Jarmalka na ka jira maadaama ay waddamadaasi yihiin kuwa uu caabuqani sida weyn u aafeeyey.