Yaa Sameeyey Callanka Beel-weynta Sheekhaal Ee Loo Damaashaadayo

Kaga Boggo Xog Dhamaystiran Oo Ku Saabsan Hal Abuurka Callanka Beesha Sheekhaash

Daahir Nasteex Maxamed Waa Shaqsiga Sameeyey Calanka Beesha Sheekhaash
Calanka Sheekhaash Hambalyo

Damaashaadyo iyo rayn rayn aan kala go’lahayn ayaa ka socda daafadaha dunida, kuwaas oo lagu soo dhaweynayo callanka beel weynta Soomaaliyeed ee Sheekhaash ( Sheekhaal ) oo la daah-furay sanadkan aynu ku jirno ee 2021 bishiisa Siddeedaad.

Dhalintii oo Lulaysa Callanka Sheekhaal
Waa Dhalinyaro Ku Faraxsan Callanka Beesha Sheekhaash oo Ku Hor u Haya kuna lebisan Funaanado Callanka Laga Sameeyey
Farxada Iyo Ciyaaro Dhaqameedka Soo Dhaweynta Callanka Beesha
Beesha Sheekhaal Ayaan U Kala Hadhin Soo Dhaweynta Callanka Cusub

Dabaal Deggyada lagu maamuusayo laguna soo dhaweynayo callanka cusub ee beesha sheekhaash ayaa ka kala dhacay daafaha adduunyada oo guud ahaan beeshaas dadkeedu ku sugan yihiin, gaar ahaana deegaanada Soomaalidu degto ee shanta ah ay deegaano khaaska ah beeshu kaga suntan tahay kana degto.

Dhulka Soomaaliyeed ee Beeshu deggan tahay deegaanada Balaadhana ay kaga leedahay ayaa waxaa kamid ah, SoomaaliDaahir Nasteex Maxamedya – Ethiopia – Kenya iyo Djibouti.

 

Qoyskan ay aqoonta, Maadiga Iyo Diintaba Bulshada Soomaaliyeed ku Cisayso, ayaa xaflado callanka soo dhaweyntiisa lagu sharfayo, oo ay ka soo qayb galeen, aqoonyahan, indheer-garad, haween, dhalinyaro, waayeel iyo guud ahaan qaybaha kala duwan ee beesha Sheekhaashi ka kooban tahay, isla markaana ay kala soo qayb galeeen, masuuliyiin iyo shacab jecel horumarka oo metelaya bulshada Soomaaliyeed , waxay ka kala dhaceen magaalooyinka ay kamidka yihiin, Muqdisho, Nairobi, Addis Ababa, Jig-jiga, Banbaas, Raaso, Galkacayo, Kismaayo, M

Alifaha Callanka Sheekhaash - Daahir Nasteex
Waa Shaqsiga Hal Abuuray Callanka Beesha Sheekhaash

inasota, London, Stokhlom, Paris , Munich, Surich iyo Meelo badan oo kale.

Dhalinyaro U Damaashaadaysa Callanka Sheekhaash
Waa Dhalinyaradii beesha oo U Damaashaadaysa Callanka Beesha Sheekhaaleed

Dhamaan martidiii ka qayb gashay xafladahaasina waxay si isku mid ah u soo dhaweeyeen, Callanka beesha Sheekhaash, oo ay ku sifeeyeen, mid horseedi doona, isku duubni , horumar  beesha dhexdeeda ah, noqona doono callan Bulshada Soomaaliyeed ee reerkani kamidka yahay u keeni doona, nabad.

 

Yaa Sameeyey Ama Hal Abuuray Callanka Beesha Sheekhaash

Callanka Beesha Sheekhaal
Callanka Beel weynta Sheekhaal ama Sheekhaash waxaa Sameeyey – Daahir Nasteex Maxamed
Haddii aad isweydiinayso – waa kuma shaqsiga uu maskaxdiisa ka soo maaxday, isla markaana hal abuuray callanka midabada – Casaanka – cadaanka – madowga iyo Cidifka callanka Soomaaliya kaga Suntan yahay ee ay maanta kadib beesha sheekhaasheed ama sheekhaaleed yeelan doonto, waa tan jawaabta iyo sababta ka dambeysayba.
Halkan Idinkulawadaago Daah Furka Urur Cusub Oo Kamid Noqondoona Ururada Soomaliyeed Uruurkaas Waxaa Loogu Magacdaray (Midawga Beesha Sheekhaash)MBS.
Ujeedada Looo Aas Aasay Ururka Markaan.Aragnay Baahiyaha Loo Qabo Iskuduubnida Cidaas Magacaas le Iyo Lajaan qaadida Hormarka Kajira Caalamka Guud Ahaan Iyo Gaar Ahaan Kan Afrika  Iyo Waliba baahiya Kale Oo Farabadan Ayaa Waxaan Go aan Sanay Samaynta Ururkan.

Waxaa Kamida Waxyaabaha Loo Sameeyay Ilaaa Hada Ururkan Calan Kaas Oo Astaan Iyo calaamadba u aha Ururkan
Alifaha Calan Waaa (Daahir Nastex Maxamed)
Kudhashay DDS. Gaar ahaaan Dagmada Garbo 
Taariikha Lasameeyay Calanka Waa 01-02-2021
Waxaana Lasaaciyay 05-07-2021
  • Shirkii Koobaad Waxaan Galay 2021-7-22
  • Shirkii Labaad Waxaan Galay 2021-8-15
  • Shirkii Sadexaad Waxaan Galay 2021-8-30
  • Shirkii Afraad Waxaan Galay 2021-9-10
“Siguudna Xuska Calanka Beesha Sheekhaal Waxaan U Astaynay .6. Lixda Bisha Ogosti “